Sunday, July 6, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada: “Waan ka tegay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha..”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa sheegay inuu ka tegay xilkii la-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca Sharciga kadib markii loo magacaabay inuu ka mid noqdo guddiga doorashada.

Cumar Dhagey ayaa sheegay in xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashada loogu doortay tartan ay wada galeen saddex xubnood oo ka mida Guddiga, wuxuuna dalbaday in shaqadiisa iyo wixii uu ka yimaado loo qabto laguna tixgeliyo.

“Dadka guddiga Doorashada ku jira waxay ka wada tirsanaayeen markii hore hay’ado kala duwan, qofka markii uu shaqadan u soo wareego ma sheegan karo shaqadii hore, aniga hadda ma ahi lataliyaha Madaxweynaha ee waxaan ahay guddoomiyaha doorashooyinka guddiga hirgelinta federaalka ah, maalintii la ii magacaabay ayaa waxaa istaagay in aan sii ahaado lataliyaha sharciga ah ee madaxweynaha” ayuu yiri Cumar Dhagey oo wareysi siiyay Radio Goobjoog FM.

Musharixiin, siyaasiyiin iyo qaar ka mida xildhibaanada ayaa dalbanaya in la kala diro guddiga doorashada heer Federaal oo ay xubnaha ugu badan yihiin shaqaalaha madaxda sare ee dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON