Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha Hiiraan oo joojiyay shirarkii Odayaasha dhaqanka ee magaalada Beledweyne

Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Dabageed ayaa war qoraal  oo uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay in shirarka iyo kulamo aanu maamulkiisa ka warqabin lagu qabto maagalada Beledweyne.

Amarkaan Guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo odayaasha Gobolka Hiiraan ee Ugaas Xasan garabkiisa ah ay sheegeen inay shir dib u heshiisiin ka furayaa magaalada.

Dabageed ayaa beeniyay inuu caburinayo odayaasha iyo dadka Gobolkaasi, wuxuuna ku adkeystay in maamulku ay shaqadiis tahay nabadgeylada.

Wareegtadan, ka soo baxday maamulka ayaa siddoo kale lagu sheegay in cid kasta oo amarkan ka hor-timaada ay mudan doonto xarig iyo ganaax adag.

Yuusuf Dabageed ayaa dhowaan xabsiga dhigay weriye Cali Kuluc oo la sheegay inuu si dhow ula shaqeyn Ugaas Xasan iyo odayaasha taageersan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON