Saturday, August 2, 2025

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir oo diray Farriin ku saabsan Ardaydii ku Geeriyootay Qarixii Ex. Kontrol (Daawo)

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Maxamed Maxamud Xasan “Bidey” ayaa ka hadlay Musiibadii Maanta ee Ex-Control Afgoye ee ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah oo ay ka mid yihiin arday ka tirsan Jaamacadddaasi.

Wuxuu tacsi u diray ehalada ardayda, isagoo sheegay inay dhacdadii maanta ahayd musiibo qaran oo murugo leh, dhibaatadii dhacdayna ay aad u dareemayaan, isagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax u qabato ardayda iyo dadka dhaawacyada culus qaba.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa sheegay in muddo toddobaad ah la fasaxay ardayda Jaamacadda, isla markaana xus iyo duco loo qaban doono ardaydii ku geeriyootay qaraxa Ex. Koontarool, isagoo u mahadceliyay dadka kala duwan ee u tacsiyadeeday Jaamacadda.

Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa qaraxii maanta uga dhintay tirada ugu badan arday la kulantay qaraxa oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday. Waxaana uga dhintay in ka badan 10 arday iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON