Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Amray in la xiro gudoomiye Maxkamad Degmo oo diiday xil ka qaadis..

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa amray in la xiro Gudoomiyaha Maxkamadda degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii guddoomiyaha maxkamadda degmada Hodon Axmed Cabdi Cali (Aabi) uu diiday xila ka qaadis uu ku sameeyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo ku dooday inuusan xilka ka qaadi karin oo uu ku magacaaban yahay Xeer Madaxweyne.

Dhowaan ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaasha maxamadaha degmooyinka, isagoo ku bedelay kuwo cusub oo dhowaan shaqada loo qoray, waxayna arrintan keentay inuu amro in l xiro guddoomyaha degmada Mr. Aabi oo isaguna dhinaciisa qoray amar lagu soo xirayo guddoomiyaha maxkamadda sare.

Xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameynayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa dhalisay dood sharciyeed oo ku saabsan inuu xaq u leeyahay magacaabis garsoorayaal iyo iyo xil ka qaaditooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON