Thursday, April 18, 2024

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir: “Shaqsiyaad ka mida xildhibaannada waa laga shaqeyn la’ yahay..” [Dhageyso]

Sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi oo sheegay in qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka shaqeyn la’ yihiin.

Wuxuu caddeyay in  howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaanada qaarkood oo soo raacaya dadka dacwada isku heysta qeyb ka mida, taasoo cadaalad darro ah, dhibaatana ku ah garsoorka.

“Kuwa Madaxweynaha u taga, kuwa Ra’iisul Wasaaraha u taga waa inta tuugada ah ee annaga aan soo ceyrinay ee lacagta heysta, anniga Golaha Shacabka waxba kama sheegayo, laakiin qaarkood waa laga shaqeyn la’yahay, qaarkood ayaan la kaftamay, waxaan ku iri Xildhibaano Qaran miyaa tihiin, mise Qareeno qabiil ayaad tihiin” Ayuu yiri  sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Aweys in ay cadaalad daro tahay laba qof oo is heysata in dhinac lala safto, wuxuuna tilmaamay Garsoorka inuu muhiim u yahay shaqada Dowladda, sidaasi darteed ayuu xildhibaanada qaar ka dalbaday in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha cadaaladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON