Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/banaadir Abshir Cumar C/llaahi ayaa u hanjabay dadka cabashada cadaaladda darrada lagu kacay ku faafiya baraha bulshadam isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.
“Ciddii ka dacwooto kiis ka socda maxkamadda… kiiskiisa waxaa ka hor mari doonta in dacwad ciqaabeed lagu soo oogo..’ ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka G/Banaadir oo ka mida dhalinyarrada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay xilalka Garsoorka G/banaadir.
Baraha bulshada ayaa noqday halka ugu muhiimsan ee kiiska Garsoorka dowladda lagu soo bandhigo, iyadoo maxkamadaha G/Banaadir ay dadka si weyn u meermeeriyaan, mararka qaarkoodna laga sheegto cadaaladda taalla.
HOOS KA DAAWO