Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug oo ahaa xil bannaan.
Xaflad galabta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa loogu dhawaaqay in Cabdullaahi Maxamuud Gacal loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug, iyadoo isla goobta lagu dhaariyey, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Galmudug, madaxweyne ku xigeeka iyo guddoomiyaha Baarlmaanka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dawladda Galmudug Md. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa muddo dheer oo gaareysa 45 sano ku dhex jiray arrimaha Garsoorka dalka. Maamulka ayaa hadda yeeshay Maxkamad Sare.
Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare Galmudug ayaa 20-kii bishan iska casilay xilka Xeer ilaaliyaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo ay la yaab tahay inuu laba maamul Goboleed xilal ka qabto.

