Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ku gacan seyray Xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo [Dhageyso]

Gudoomiyahii Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomalaiya ayaa ka hor yimid xilka qaadista, isagoo sharci darro ku tilmaamay qaabka xilka qaadista ee uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay VOA-da ayaa caddeeyay in inuusan xilka uga tegeynin sharci darro, isla markaana uu sii wadan doono xilka dastuuriga ah ee loo dhaariyey, waajibaadkiisuna uu sii wadan doono.

Wuxuu sheegay inuu Khamiistii madaxweyne Farmaajo u gudbiyey qaabka loo dhisi karo garsoorka iyo dib u habeynta hay’adaha garsoorka, wuxuuna sheegay in Garsoorku aanu ahayn hay’ad siyaasadeed oo aanu u baaheyn in dagaal la geliyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare u magacaabay  Baashe Yuusuf Axmed oo horay uga mid ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland ee Waddani.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON