Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa ka digay faragelin uu sheegay inay ku hayaan dalal ajnabi ah, isagoo walaac ka muujiyey, kadib kulan uu magaalada Addis-Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qoraal ka soo baxay xarunta Midowga Afrika ayaa looga digay in faragelinta lagu hayo Soomaaliya ay carqalad ku tahay dhismaha Nabadda iyo horumarinta ka socda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xasilooni iyo taageero dhinac kasta leh.
“Waxaan qirayaa in faragelintu khatar ku tahay guushii adkeyd ee laga gaaray howlgalka wadajirka ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, waxaan walaac ka qabnaa arrintaasi, waxaana muhiim ah in Soomaaliya ay hesho madax banaani.” Ayuu yiri Musa Faki kadib kulan u la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tegay magaalada Adis ababa.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Mahamed ayaa Madaxda Soomaaliya ka dalbaday inay sii wadaan dadaallada la dagaallanka musuqa, si Soomaaliya ay dib ugu laabato xubinnimada Hay’adaha Caalamiga ah ee dhinaca Maaliyadda.