Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) oo dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxii xarunta GobolkaBanaadir ee 24 July ayaa lagu soo dhoweeee sanadkan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
GUuddoomiyaha oo lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaalla daka Qatar ayaa waxaa wejigeeda ka muuqday raadkii uu ku reebay qaraxaasi oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin badan oo ka mida maamulka Gobolka Banaadir, waxaana garoonka diyaaradaha Adan Cdde mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka Maamulka G/Banaadir Maxamed Cabdulaahi Maxamed, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Gudoomiya Haweenka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Gudoomiyasha Degmooyinka.
Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa si qiiro leh uga hadashay sidii ay ku dhaawacantay, ee xaaladeeda caafimaad, waxayna caddeysay inaysan argagixisadu cabsi galin karin, ayna sii wadi doono shaqadeeda inta ay naftu ku jirto, qaraxyna uu muuqaalkeeda bedelay, laakiin qalbigeeda aanu bedeli karin.
HOOS KA DAAWO