Sunday, July 13, 2025

Guddoomiyaha Xisbiga JDP oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Puntland

Guddoomiyaha xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka JDP Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciiid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) .

Qoraal uu soo saaray ayuu ku bogaadiyey madaxweynaha cusub ee Puntland inu xilka uu qaaday ku guuleysto, wuxuuna kula dardaarmay Madaxweynaha la doortay ee Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni inuu Puntland ku hago sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd taabogelinta Dowlad Soomaaliyeed Federaal Dimoqraadi ah oo ku dhisan hannaanka Xisbiyada badan.

Wuxuuna sidoo kale u hambalyeeyay Musharaxa  Jen. Asad Cismaan C/llaahi oo ahaa mas’uul dhalinyaro ah oo muujiyey dadaal weyn, tusaalena u noqday kaalinta ay hoggaanka Dalka ku leeyihiin dhalinyarrada oo ah mustaqbalka Soomaaliya.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Madaxweynihii hore ee  Puntland  Dr. C/weli Gaas oo suurageliyey in doorashadu ku dhacdo waqtigii loogu talo galay, kana ilaaliyey faragelin uga timaada Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON