Qas siyaasadeed ayaa ka abuurmay Xaaladda Baarlamaanka Galmudug kadib markii saacadihii ugu dambeeyay uu qarxay khilaaf ka dhex taagan Guddoonka iyo xildhibaanada maamulkaasi.
Shir ay magaalada Cadaado ku yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo waday Mooshin xil ka qaadis ah oo hore loogu soo oogay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Xildhibaanada oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa loo diiday inay ku shiraan xarunta madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxaana amarkaasi bixiyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kalfadhiga 4aad ee Xildhibaannada Galmudug oo maanta furmi lahaa dib loo dhigay muddo 45 Casho.
Fasaxa la kordhiyay ee Baarlamaanka Galmudug ayuu Guddoomiye Gacal ku sheegay inay tahay abaaraha adag ee ka jira Galmudug darteed iyo xaalada kala guur ee dalka ka socda.
Xildhibaano badan ayaa ku dhegan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo doonaya inuu xilka banneeyo iyagoo ku soo eedeyay arrimo ay ka mid yihiin xil gudasho la’aan.
Goobjooge.com