Sunday, June 22, 2025

Gen. Qaalib oo kashifay cidda hortaagan Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

Warar dheeraad ah ayaa ka soo  baxay sababta keentay dib u dhaca jiitamaya ee heysta doroashada xildhibaanada aqalka sare ee ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Jen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa  ku eedeeyay guddoomiyaha Guddiga Doorashada Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) iyo siyaasiyiin kale inay mas’uul ka yihiin dib u dhaca doorashada aqalka sare ee Somaliland.

“Habka Guddiga Federaalka oo Cumar Dhagey madaxda ka yahay iyo mid kaleeto oo la yiri Aqalka hoose ee Waqooyi qaabilsan doorashooyinka dadban, kuwaas ayaa waraaqaha haysta, annaga nalooma dhiibin oo ma hayno, sida muuqata waxay rabaan inaan doorashada la socodsiin, meel laga xakameynayo isaga waan garan weynay, dhowr jeer baan ka ashkatoonnay, Jawaari waa iska aragnay, Berrito iyo Saadambe sida ay noo lahaayeen, hadda baryahan waaba naga aamuseen”. ayuu yiri Jen. Jaamac oo Goobjoog FM la hadlay.

Ad

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan wax is daba marin iyo  musharixiin la kala bedelayo oo socda, isagoo rajo xumo ka muujiyay xaaladda hareysay doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland ka soo jeeda.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON