Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan in Guddoomiye C/raxmaan Cumar Yariisow uu ku guuleystay Dacwaddii Maxkamadda Racfaanka magaalada Amsterdam ee dalka Holand ee kala dhaxeysay Weriye Dahir Alasow.
War-saxaafadeedka maamulka G/banaadir ayaa lagu seegay in Daahir Calasow uu Racfaan ka qaatay go’aankii ay hore Maxkamadda Amsterdam uga gaartay 14-ka September 2017, laakiin toddobaadkan ay Maxkamadda Rafcaanka o’aamisay in Dahir Calasow raalligelin ka bixiyo eedeymihii uu u jeediyey C/raxmaan Yarisow.
“Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ayaa ku amartay Daahir Calasow inuu barihiisa bulshada, sida Facebook, Twitter, YouTube iyo website-yada uu maamulo uu ku soo bandhigo raali-gelin buuxda. Sidoo kale Daahir Calasow waxaa la faray inuu ka saaro qoraaladii iyo muuqaalladii uu sumcada iyo sharafka Yarisow meel uga dhacay, iyadoo la duldhigay ganaax haddii uu u hoggaansami waayo go’aanka Maxkamadda” ayaa ka mid ahaa qoraalka oo uu shaaciyey Afhayeenka Gobolka Banaadir.
“Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii ay Maxkamadda Racfaanka magaalada Amsterdam ay ka soo saartay oo ay igu raacday in Daahir Calasow uu yahay shaqsi suxufinimo dadka ku baada, kuna dila sumcadooda, sharafkooda iyo karaamadooda. Go’aanka Maxkamada Racfaanka waa mid naga wada mudan soo dhoweyn oo shaqsiyaadka raba inay sumcada, sharafka iyo karaamada waxyeeleeyaan aan loo dulqaadan doonin, waxaa la soo dhaafay waqtigii uu shaqsigu waxa uu doono sameyn lahaa oo sharciga ayaa lala tiigsanayaa qofkii falalkan oo kale ku kaca…” ayuu C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay go’aanka maxkamadda.
Weriye Daahir Calasow oo jawaab ka bixiyey sida wax u dhaceen ayaa isna yiri: “Maxkamadda Racfaanka Amsterdam waxey riday xukun lagu tilmaami karo Poor Judgement – Xukun cadaaladda ka fog sida Waagii Dahabshiil xukunkii Maxkamadda Racfaanka Denbosch. Waxaan arkay Cabdiraxman Yariisow oo ku faanaya Dahir Alasow ayaan dacwadii uga guuleeystay ,taas waxey la mid tahay Faankii Cabdirashiid Dhiigshiil uu Tv-yadda la fadhiyay markii uu Maxkamaddii Racfaanka Denbosch iiga guuleeystay. Cabdiraxman Yariisow waxaan leeyahay hambalyo inaad dacwadii Maxkamadda Amsterdam iiga guuleeysatay laakiin ogoow Appeal ayaan ka qaatay Xukunka liita ee Maxkamadaas ka soo baxay . waxaan isla Aadeeynaa Supreme Court. dacwaduna waa socon doontaa ilaa Maxkamadda sare ee Midowga Yurub…”
Lama oga sababta arrimaha shaqsiga ah ee C/raxmaan Yariisow ugu lug yeeshay Afhayeenka maamulka G/banaadir iyo Maamulka, laakiin Afhayeenka Saalax Xasan Cumar ayaa la sheegay in xilkan loo magacaabay ay sabab u ahayd markii uu Yariisow gacan ka siiyey dacwadii kala dhaxeysay Daahir Calasow.
Guddoomiye Yariisow ayaa mudd sanado ah ay dhibaato ka heysatay dacwadii kala dhaxeysay Daahir Calasow, isagoo xilliyada looga yeero Maxkamadda si dhuumaaleysi ah u safri jiray, iyadoo aan la shaacin socdaalkiisa, kadibna uu kasoo muuqan jiray maxkamadda Amerstardam.