Thursday, June 26, 2025

Guddoomiye Degmo ka tirsan G/Banaadir oo Lacag Qasab ah kusoo rogay dadka degmadiisa [Akhriso]

Maamulka mid ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lacago qasab ah ku soo rogtay dadka degan degmadaasi.

Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda olole dadka degan degmadaasi looga qaadayo lacag lagu sheegay in dib loogu dhisayo xarunta degmada, waxaana Guri kasta lagu soo rogay qoonde lacageed.

Guryaha jiingda ah waxaa laga qaadayaa $30, Guryaha Fillooyinka waxaa lagu soo rogay $50, iyadoo guryaha dabaqa ah laga rabo lacag dhan $100 dollar, waxaana qoraalka lacag qaadista ku qoran in dib loogu dhisayo xarunta degmada Yaaqshiid.!

Dadweyne fara badan ayaa cabasho ka keenay arrintan iyadoo qaar ka mida dadka degan xaafadaha qaarkood ay iska diideen inay bixiyaan lacagtaasi lagu soo rogay, dadka danyarta ah ayaa iyaguna ka dooday inaysan dhiibi karin lacagta laga rabo.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamed (Geedow)
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamed (Geedow)

Lama oga in maamulka Gobolka Banaadir uu la socdo lacagtan sharci darrada ah ee laga qaadayo qaar ka mida dadka degan degmada Yaaqshiid, waxaana la ogyahay in inta badan degmooyinka G/banaadir hore loogu dhisay mashruux uu maalgeliyay Mareykanka.

Canshuurta Guryaha ee hore loogu soo rogay dadka Muqdisho ayaa ku dhammaatay in laga qaado qaar ka mida degmooyinka, iyadoo degmooyin kale lagu guuleysan waayo in laga qaado, halka maamulka degmada Yaaqshiid lacagta uu iminka soo rogay aysan gaarsiisneyn xaafado badan oo degmadaasi ka mida.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamed (Geedow) oo ka mida qurbejoogta dhowaan loo magacaabay guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa sameystay Boono A4 ah oo dadka loogu yeerayo, taasoo  qof waliba oo degan degmada ku waajibeysa inuu bixiyo khidmada loo qoondeeyy gurigiisa si dib loogu dhiso Xarunta Degmada Yaaqshiid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON