Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadadda 21-ka Oktoobar ee degmad Waaberi.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaariga Guddoomiyaha degmada Hodon Cabdikariin Cabdiraxmaan Ciise Dhegajuun, waxayna wararkii uu horeeyay sheegayaan in Guddoomiyaha degmadda Hodan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, iyadoo loola cararay isbitaal.
Sidoo kale waar ka mida ilaaladiisa guddoomiyaha ayaa la sheegay inay qaraxa ku geeriyoodeen, iyadoo Gaariga Guddoomiyaha la sheegay inuu burbur weyn soo gaaray.
Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxayna xireen socodka dadka iyo gaadiidka.
