Sunday, July 13, 2025

Guddoomiye Degmo oo lagu rasaaseeyay Muqdisho, lagana dilay mid ka mida ilaaladiisa

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) ayaa sheegay in lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta ee ku sugan Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan, inay xalay joojiyeen markii uu isu sheegayna oo ay ogaadeen kadibna ay rasaas ku fureen iyagoo dilay mid ka mida ilaaladiisa.

Wuxuu ka yimid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo ku socday hoygiisa.  “Xalay safar ayaa Muqdisho ku soo galay, saacaddu marka ay aheyd lix saac, markii aan Isgoyska Sanca marayay oo aan rabay in xaafadeyda u gudbo waxaa u istaajiyay Ciidamada Xasilinta, waxay i weydiiyeen Aqoonsi ama ID CARD, waxaa u sheegay anaga Gobol ayaa jirnaa, dowlad goboleedka Hirshabeelle ka tirsanahay, wax Aqoonsi ah nalooma sameyn, waxaa Mobilkeyga ka tusiyay warqadii wareegtadiila igu magacaabay, markaas ayaa la igu yiri askartada qoryaha ka qaad ee baaburka dhex dhig, markii intaas la i yiri ayaa askari ila socday uu hadlay, markaas ayay askartii kale rasaas nagu bilaabeen, hal askari waa iga dhintay, mid kalena waa iga bad baaday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mahadaay C/llaahi Maxamed.

Wuxuu intaas ku daray in isagoo indhaha ka xiran la saaray gaadiidka ciidamada, lana geeyay Goob ku dhow Godka Jilacow, halkaasoo lagu jirdilay, isagoo lagu qasbay inuu qirto in ciidamadiisa ay rasaasta bilaabeen.

Ma jiro cid ka madax bannaan sheegashada guddoomiyaha degmada Mahadaay oo shilkan xaqiijisay, wuxuuna guddoomiye Geeldoox baaq u diray madaxda dowladda Federaalka inay arrintiisa wax ka qabtaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON