Degmada Hodon ee Gobolka Banadir ayaa loo magacaabay Guddoomiye cusub, kadib markii xilkii laga qaaday guddoomiyiihii hore ee degmadaasi oo loo magacaabay Agaasimaha Arrimaha Bulshada G/Banaadir.
Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa Guddoomiye Cusub u ee degmada Hodan u magacaabay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/xakiin C/raxmaan Ciise Dhagajuun, waxaana la sheegay inuu xilka la wareegi doono maalmaha soo socda.
Xilalka guddoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir ayaa u qeybsan qaab miisaan qabiil oo ku saleysan dadka u badan ee degan magaalada.