Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dib u bilaabay howshiisii, isagoo galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiga Joogtada ee golaha shacabka.
Kulanka oo uu ka maqnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida uu dib u bilaabanayaan howlihii caadiga ee Golaha Baarlamaanka, iyadoo ajandaha kulanka Sabtida uu noqonayo Derbiga Kenya ka dhiseyso Beledxaawo.
Kulanka guddiga joogtada ah ee uu guddoomiyey guddoomiye Jawaari ayaa ka dambeeyay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay caddeeyeen inay jabay mooshinkii laga keenay guddoomiyaha, kadib markii uu waqtigiisii dhammaaday.
Kooxda taabacsan xukuumadda iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gooni u socodka ah ayaa dhinaca kale hore u balamiyey xildhibaannada shir Sabtida ee 31 bishan March kadhacaya golaha Baarlamaanka oo la horkeeni doono Mooshinkii Guddoomiye Jawaari.