Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha, isagoo u sheegay inay ilaaliyaan jadwalka Doorashada.
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa hadalkan ka sheegay is-diiwaan gelintii ugu horeysay ee musharixiinta madaxweynaha oo uu bilaabay Shariif Sheekh Axmed maanta.
“Musharaxiinta waxaan u sheegeynaa inay ilaaliyaan Jadwalka is-diiwaangalinta, Musharaxii uu waqtigu ka dhaco, lama diiwaangelin doono…” ayuu yiri Prof. Jawaari oo musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha si cad ugu sheegay inaysan jiri doonin waqti kordhin ku saabsan is-diiwaangelinta.
Musharixiin badan ayaa la filayaa inay ka haraan tartanka Doorashada madaxweynaha, taasoo ay ugu wacan tahay lacagta badan ee laga doonayo is-diiwaangelintooda.
Goobjooge.com