Monday, July 21, 2025

Guddoomiye Jawaari oo lagu wargeliyey inuusan Guddoomin doonin fadhiga Berri ee Baarlamaanka & AMISOM oo…

Wararkii ugu danbeeyay xaaladda Mooshinka Guddoomiye Jawaari iyo kulanka lagu wado inuu Berri qabsoomo ayaa sheegaya in guddoomiye Jawaari loo caddeeyay inuusan guddoomin doonin shirka Berri ee Baarlamaanka.

Saraakiisha AMISOM oo kulan Caawa la qaatay ayaa Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u sheegay inay ammaankiisa sugayaan ayna geyn doonaan xarunta Baarlamaanka, kulankuna ku socon doono ajendaha kalsooni kala noqoshada mooshinka laga keenay, taasoo keeneysa inuusan guddoomin fadhiga balse uu ka mid noqdo xildhibaannada caadiga ah.

AMISOM ayaa dadaal ugu jira in kulanka ku dhammaado si nabad ah oo la qaado cod lagu kala baxo Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la ogeyn jawaabta  Jawaari iyo inuu ku qanci doono iyo in kale.

Dhinaca kale dhammaan xildhibaanada ayaa loo sheegay inaan wax ilaalo ah lala tegi doonin xarunta Baarlamaanka Berrito.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON