Monday, June 30, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo shaqada ka joojiyey Guddoomiyihii labaad ee Degmo

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Xuseen Nuur Maxamed oo ah ku-simaha Guddoomiyaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay gudoomiyihii labaad ee degmo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka oo ah ninka ugu awoodda badan maamulka G/Banaadir ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow), iyadoo ay ku soo beegantay xilli uu dalka ka maqan yahay Gudoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Wareegtada shaqo joojinta ayaa  lagu sheegay in xilka guddoomiyaha degmada Yaqshiid uu sii haynayo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmadaas, iyadoo guddoomiyaha shaqada laga joojiyay oo loo jeediyey eedo kala duwan.

Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyah gobolka Banaadir, wuxuuna hore shaqada uga joojiyey  Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg, taasoo dhalisay inuu soo farageliyo Madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON