Sunday, June 29, 2025

Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo oo Qarax ka badbaaday

Mas’uul ka tirsan maamulka magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo maqribnimadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Gaariga guddoomiye ku xigeenka ayaa lagu xiray waxyaabaha qaraxa oo qarxay  xilli uu gaariga ku sugnaa Xaafada Israac ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo si weyn looga maqlay dhinaca waqooyi ee magaalada.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Mudane Farxaan Cabdi Gaafa ayaa ka badbaaday qaraxa loogu xiray gaarigiisa, waxayna wararku sheegayaan inaysan jirin cid wax ku noqotay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka Puntand ee qaraxyada iyo khaarijinta ay ka dhacaan.

 Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON