Monday, June 23, 2025

Guddoomiye Mursal iyo C/weli Muudey oo kulan Degdega ugu tegay Sheekh Shariif & Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo uu la socdo Guddoomiye Kuxigeenka koowaad C/weli Muudeey ayaa kulan degdeg ah magaalada Muqdisho kula leh madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ka dhacaya hoyga Sheekh Shariif, waxaana halkaasi tegay Guddoomiye Mursal oo uu la socdo ku-xigeenkiisa C/weli Muudey, iyadoo ay hadda ku jiraan kulan albaabada u xiran yihiin oo daba socda kulankii ay hore labada madaxweyne ee hore ugu tageen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka.

Wararka laga helayo ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya inuu ku saabsan yahay jawaab uu sido guddoomiye Mursal oo ku saabsan su’aalo adag oo hore ugu dhiibeen labada madaxweyne ee hore oo ku saabsan qaabka doorashada dalka u dhaceyso iyo suuragalnimada Doorasho QOF IYO COD ah.

Ad

Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeysanaya inay dhacdo Doorasho qof iyo cod ah ayaa haddana waxaa arrintaasi ka horjeeda xisbiyada iyo siyaasiyiint mucaaradka, iyadoo guddoomiyaha Aqalka sare uu ku soo biiray dadka arrintaas diidan suuragalnimadeeda.

Madaxweynayaashii hore ee dalka oo hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ayaa lagu waday inay galabta shir jaraa’id qabtaan, waxaana kasoo hormaray kulankan gaarka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON