Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dib u soo celiyay Guddigii Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu dhowaan kala diray Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Mursal ayaa lagu caddeeyay in Guddiga Maaliyadda ay shaqadooda sii wataan, wuxuuna u daliishaday xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaabxirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo 2018.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinac kale farriin u diray Xukuumadda isagoo si cad ugu sheegay inay u hoggaansanto shaqada Guddiyaasha Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

