Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo saaray wareegto isku shaandheyn ah oo lagu sameeyey Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, kadib khilaaf ka dhashay warbixin ku saabsan musuq ay ku kacday xukuumadda oo ay soo saareen.
Guddoomiye Mursal ayaa Guddiga ka saaray guddoonkii Golahaasi oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa ee hormuudka u ahaa la-xisaabtanka xukuumadda, waxaana ka mida guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali iyo xoghayaha C/llaahi Maxamed Nuur.
Waxaa kaloo Guddiga laga saaray xubno kale, laakiin waxaa lagu soo daray xubno si weyn u taageersan xukuumadda oo aad ugu dhow madaxda dowladda, taasoo ay dhalisay cadaadis guddoomiyaha Baarlamaanka uga yimid Xukuumaddda.
Xubnaha Guddiga ku haray ee mucaaradka ah, qeybtana ka ahaa guddigii hore ee soo saaray warbixinta miisaaniyadda 2018, waxa ka mida xildhibaannada kala ah: Mahad Maxamed Salaad, C/risaaq Axmed Maxamed iyo C/xakiin Macalin Axmed.
Isku shaandheynta Guddiga Maaliyadda ayaa imaaneysa iyadoo shaqo adag ay sugeyso guddiga, sida xisaabxirka miisaaniyadda sanadaha 2017 iyo 2018 iyo miisaaniyadda cusub ee 2019.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA