Waxaa socda qabanqaanada shir jaraa’id oo uu qabanayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, kaasoo ku saabsan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo xaaladaha ka dhashay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka tegaya xarunta Villa Hargeeya ee xafiisyada Guddoonka iyo Guddiyada Baarlamaanka, halkaasoo loogu yeeray saxafiyiinta, waxaana la filayaa inuu war cad kasoo saarayo waxa laga yeelayo Mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiye Mursal ayaa wixii ka dambeeyay mooshinka uu qabtay ee ay madaxweynaha ka keeneen 92 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka waxaa soo wajahay cadaadis ay saartay madaxtooyada, iyadoo xayiraad la saaray, waxaana ka hor yimid guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo laba jeer saxaafadda la hadlay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xalay la kulay xildhibaanadii diyaariyey mooshinka Madaxweynaha, kadib markii loo diiday shalay inay u tagaan, waxayna qaar ka mida xildhibaannada sheegeen in guriga Guddoomiyaha oo loo yaqaan Villa Uganda loo diiday in raashin la geeyo, lagana jaray biyaha iyo korontada.