Saturday, July 5, 2025

Guddoomiye Mursal oo weerar afka ah ku qaaday ku xigeenkiisa labaad oo tegay Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal Maxamed Sheekh ayaa si kulul u weerarray guddoomiye ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad oo tegay magaalada Dhuusamareeb.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’iisal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal oo khudbad ka jeediyey fadhigii maanta ee Barlamaanka.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa ku mideysnaa Qorshaha uu watay Madaxweyne Farmajo ee ah in doorasho cod iyo cod ah ay dhacdo, lana helo waqti kordhin ilaa 2 sano ah, taasoo hadda u muuqata inuu khilaaf soo kala dhex galay guddoonka markii ay hore isu khilaafeen Guddoonka Aqalka Sare.

Mahad Cawad ayaa saaxiib dhow oo siyaasadeed la ahaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana mar qura la arkay isagoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON