Monday, July 14, 2025

Guddoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa maanta dil khaarijin ah ka fulisay gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye waaxeedka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa ahaa guddoomiyiha Waaxda Shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda, isagoo ku geeriyooday rasaas ay ku fireen dabley wadatay Gaari NISSAN Surf weerar gaadmo ah o ay ku qaadeen dabley ka kooban saddex qof.

Waxaa goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen Ciidamada Amniga oo baaritaan smeeyay, balse aan ku guuleysan inay qabtaan raggii falkaasi geystay.

Weerar dhowaan ka dhacay xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkeynley ayaa waxaa sheegatay kooxda Daacish, mana jiro wax war ah oo kaso baxay Alshabaab, dhinaca kale maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga ayaan ka hadlin falalka amni darro iyo dilalka ka socda caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON