Monday, July 14, 2025

Guddoomiye Waaxeed ku dhintay Weerar lala beegsaday Gaari uu la socday Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu dilay weerar qorsheysan.

Wararka ayaa sheegay in koox si weyn u hubeysan oo la sheegay rasaas ku furay gaari uu watay guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid, oo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Geedi Farayare. Waxayna halkaasi ku toogteen  guddoomiye waaxeedkaasi iyo askari la socday oo ilaalo u ahaa.

Weerarka kadib ayaa la sheegay inay kooxdaasi gubtay Gaarigii uu watay guddoomiye waaxeeedka la dilay, wuxuuna falkan ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee barafuunka, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadka degaanka ayaa sheegay inuu cabsi geliyey weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo kooxda geysatay ay ahayd rag aan yareyn oo waaweyn watay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON