Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Guddoomiyahii xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne oo lagu magacaabi jiray Cabdi Diiriye Darmaax.
Dilka Guddoomiyaha ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen koox Bistoolado ku hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiye xaafadeedka oo ahaa mas’uul aan wax ilaalo ah wadan.
Xilliga falkan dhacay ayuu Mudane Darmaax dhex socday xaafadda Howlwadaag, waxaana si kedis ah u soo weeraray laba dabley ah oo rasaas ku furay. Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu isna ku dhawacmay rasaasta.
Ciidamada ammaanka maamulka Gobolka Hiiraan ayaa tegay goobta lagu dilay guddoomiyaha Xaafadda, laakiin waxaa la sheegay in dableyda dilka geystay ay baxsadeen.
Goobjooge.com