Sunday, July 13, 2025

Guddoomiye Yariisow oo booqday Gabar Cudur halis ah loo keenay Muqdisho & Qeylo dhaan uu soo saaray [Sawirro]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Iiimaan C/raxmaan oo ah Gabar laga keenay Magaaladda Gaalkacyo oo la xanuunsan cudurka Kansarka ee dhuuxa ku dhaca.

Guddoomiye Yariiso ayaan booqashadiisa kadib sheegin wax deeq ah oo maamulkiisu u fidinayo gabadhaasi, laakiin wuxuu taas bedelkeeda qeylo-dhaan u sameeyey shacabka Gobolka Banaadir ku nool,  isagoo u weydiiyey yabooh dhaqaale si dalka Turkiga loogu daweeyo gabadhan Iiimaan C/raxmaan.

Kharashka ku baxaya gabadhan ayaa qiyaasay ilaa $250,000, Waxaana dadka Soomaaliyeed ilaa hadda ay u ururiyeen $106,000, iyadoo ay u dhiman tahay lacag ka yar 150,000 doolar.

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabd Maxamed ayaa ku caan baxay inuu dadka noocan oo kale ah u fidiyo gurmad caafimaad oo uu kharashka ka bixiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON