Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee xilka laga qaaday C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa ka tegay caasimadda Puntland ee magaalada Garowe, isagoo gaaray degaanada uu kasoo jeedo ee Gobolka Sanaag.
Guddomiye Dhoobo-Daareed oo wata ciidamo ilaalo u ah ayaa la sheegay inuu shalay isaga huleelay magaalada Garowe, isgoo xalay gaaray degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay dadweyne iyo waxgaradka degaankaasi, iyadoo la sheegay inuu la-tashiyo la sameyn doono.
Wareysi uu bixiyey inta aan xilka laga qaaday ayuu guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ku sheegay in Puntland aysan ku wada joogi karin in beelo gaara ay maamushaan, wuxuuna sharci darro iyo xaaraan ka dhigay qaabkii xilka looga qaaday.
Magaalada Garowe ayaa weli waxaa ka taagan xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiye Dhoobo-Daareed, iyadoo uu bilowday ololaha doorahada guddoomiyaha cusub oo ay soo shaac baxayaan musharixiin ay qaarkood wadato xukuumadda Puntland.

