Thursday, April 18, 2024

Maxkamadda Sare ee India oo xukuntay in Macbad Hindu laga dhiso Goob laga dumiyey Masjid & xiisad laga cabsi qabo…

Maxkamadda Sare ee dalka India ayaa gaartay go’aan culus oo laga cabsi qabo inuu dib u soo nooleeyo xiisad u dhaxeysa dadka Muslimiinta iyo Hinduska dalka Inida, kadib markii ay xukuntay in goob laga dumiyey Masjid laga dhiso Macbad ay leeyihiin dadka Hinduuga ah.

Dhulka ay Maxkamaddu siisay Hinduga oo ku yaalla goobta lagu magacaabo Ayodhya oo Waqooyiga India ah, waxaa sanadkii 1992 weerar ku qaaday Hindus-ka xagjirka ah oo burburiyey Masjidkii caanka ahaa ee Babri mosque oo la dhisay qarnigii 16-aad, iyadoo doonaya inay ka dhisaan Macbad, waxayna ku tilmaamaan dhul barakeysan. Maxkamadda sare ee India ayaa sheegtay in muslimiinta la siinayo dhul kale oo masjid ay ka dhistaan.

Kiiskan ayaa muddo tobabaan sano ay ku loolamayeen Hindus-ka iyo Muslimiinta, waxana go’aanka maxkamadda sare ee India ka dhigan yahay inay dib u soo laabato xiisadii labada qowmiyadood ee Hindus-ka iyo Muslimiinta dalka India.

Ad

Waxaa la xusuustaa in qalalaasihii ka dhashay duminta Masjidkii Muslimiinta ee Babri ay ku dhinteen dad ka badan 2000 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON