Qarax culus ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday Guddoomiyihii degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Guddoomiye Maxamed Abuukar Afrax (Bidaar) uu goor dhoweyd u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Qarax Miino oo lagu qarxiyey Gaarigiisa.
Qaraxan ayaa ka dhacay waaxda Foorilow ee u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, iyadoo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, laakiin uu dhaawiciisu ahaa mid culus oo sababay inuu u geeriyoodo Marxuum Guddoomiyaha degaanka Garasbaalley Maxamed Abuukar Afrax.
Guddoomiyahadeegaanka Garasbaaleey Maxamed Abuukar Afrax ayaa 30-kii Bishii May ee Sanadkan 2021 loo magacaabay xilka. Sidoo kale Gudoomiyihii Isaga ka horeeyay Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare ayaa Qarax lagu dilay.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa Miino ee maanta lagu dilay guddoomiye Maxamed Abuukar Afrax.
