Qarax ka dhacay magaalada Baardheere ayaa qasaare u geystay dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaaladaasi.
Sida ay sheegeen wararka laga helayo maamulka Degmada Qarax lala beegsaday mas’uuliyiinta ayaa ahaa Bam gacmeed, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen mas’uuliyiin fara badan.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa Baardheere waxaa ka mida guddoomiyaha Baaradheere Caddow Nuur Xasan iyo taliyaha ciidamada degmada oo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladooda.
Alshabaab ayaa u muuqata inay si weyn u kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ka wado Koonfurta Soomaaliya oo dhan, siiba magaalada Muqdisho oo xaaladda amniga ay ka sii dartay.
Goobjooge.com