Tuesday, June 24, 2025

Guddoomiyihii Degmada Hodon ee G/Banaadir oo xilkii laga qaaday & Xil kale oo loo magacaabay

Guddoomiyihii maamulka Degmada Hodan ee Gobolka Banadir ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo xil kale  loog magcaabay maamulka G/Banaadir.

Maxamed Axmed Cantoobo ayaa xilkii guddoomiyaha degmada Hodon looga xayuubiyey wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha G/Banaadir, waxaana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir oo uu hore u hayay ninka maanta loo maagcaabay Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Waxaa hadda bannaan xilka Guddoomiyaha degmada Hodan, iyadoo wararka soo baxaya ay shegayaan inay arrintan hordhac u tahay xil ka qaadis ballaaran oo algu sameyn doono guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banadir.

Guddoomiye Yariisow aya la sheegay inay cadaadisyo ka heystaan xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaaraha oo kala wata xubno loo magacabaayo inay noqdaan guddoomiyeyaasha degmooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON