Guddoomiyihii Dhalinyarada degmad Hodon Xuseen Hadaafow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weeraray ku qaadeen maanta koox hubeysan oo ku toogatay magaalada Muqdisho.
Dhaawac culus ayaa kasoo gaaray guddoomiye Xuseen Hadaafow rasaas ay ku fureen dabley hubeysan kadib salaadii Jimcaha, xilli uu kasoo baxay masjid uu ku soo tukaday, waxaana loola cararay isbitaal, balse wuxuu dhaawicii u geeriyooday galabta waqtigii maqribnimada.
Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ka dhaca ayaa intooda badan waxaa sheegta kooxda Alshabaab oo dagaal kula jirta dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada amniga aysan ku guuleysan inay ka hortagaan ama ka daba tagaan falalkaasi.