Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow uu isu dhiibay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kadib markii uu shalay dagaal la galay ciidamada maamulkaasi markii uu diiday inuu wareejiyo xilka.
Arrintay ayaa ka dambeysay waanwaan iyo wadahadal dhex maray maamulka K/Galbeed iyo odayaal ka socday dhinaca guddoomiyihii hore, waxaana suuragashay in wadahadalkaasi uu kadib uu maamulka K/Galbeed isu dhiibo Guddoomiyihii hore ee Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur.
Dagaal shalay Diinsoor ku dhex maray ciidamo taabacsan guddoomiyaha hore iyo ciidamada K/Galbeed oo ay taageerayaash kuwa Itoobiya ayaa keenay inay ku dhintaan 7 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 kale.