Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay guddoomiyihii hore ee Degmada Yaqshiid, Gobolka Banaadir Axmed Maxamed Xasan Geedow.
Qoraal kasoo baxay Maxkamadda oo lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu amray inuu Axmed Geedow ku hortago maxkamadda 10-ka bishan April 2022, si wax looga weydiiyo heshiiskii bixinta qandaraaska dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid oo uu ku saxiixan yahay.
Guddoomiyaha hore ayaa heysta muddo hal todobaad ah inuu Maxkamadda ku hor tago, iyadoo qandaraaskaasi ay dacwad ka taagan, tahay.
