Sunday, June 22, 2025

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir: “Waxaa jira Dad abuuraya Mowjado, si aan loo gaarin Doorasho..”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay muranka ka taagan maqaamka Gobolka Banadir iyo xubno loo qoondeeyay inuu ku yeesho Aqalka sare.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inay jiraan dad diidan in  Muqdisho metelaad sax ah hesho, balse ay cadaaladdu ku jirto in dadka Muqdisho ay iyagu aayahooda ka tashadaan o aanay cidna marti uga noqon.

“Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan” ayuu qoraalkisa ku yiri Thaabit Cabdi.

Ad

Thabit Cabdi aya sheegay in Shacabku ay doortaan cidda ay rabaan ay tahay waxa ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan, wuxuuna ka digay in Soomaaliya aanu hoggaamin karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan, sida uu yiri.

“Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka” ayaa ka mid ahaa qoraalkii guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir

Wuxuu sheegay in iyadoo gaabis jiro, hadana ay mar walba xoojinayaan in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, oo loo gudbo ummad Qaran doorata.

Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON