Waxaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Caawa lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan.
Koox dabley ah oo ku hubeysan Bistoolado ayaa toogasho ku dishay Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu kasoo baxay Salaadii Cishaha.
Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada wadajir waxaana wararka qaar sheegayaan sheegayaan inuu ahaa musharax xildhibaan.
Dilalka qorsheysan ee caasimadda Mudisho ayaa waxa inta badan sheegta Alshabaab, iyadoo aan lagu guuleysan in la soo qabto dableyda geysata.
