Monday, July 14, 2025

Guddoomiyihii & Mas’uuliyiin ka tirsanaa degmada Maxaas oo Toogasho & Xabsi Daa’im loogu xukumay Shabaabnimo

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukun ku riday mas’uuliyiin iyo sarakiishii hore ee demada Maxaas, Gobolka Hiiraan, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la lahayeen, kana dambeeyeen dilka guddoomiye ku xigeenkii degmadasi.

Maxkamadda mas’uuliyiintan ku heshay eedeysanayaasha kala ah: Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle oo lagu wada xukumay Dil toogasho ah, halka Guddoomiyihii degmada Maxaas Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale lagu xukumay xabsi daa’in

Saddexda qof ayaa iska kaashaday qara miino oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaas Rashiid Cusmaan Cabdi oo ku geeriyooday qaraxa 19-kii 04 April 2019. Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in xukunka uu ka furan yahay rafcaan muddo bil gudaheed ah,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON