Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa la sii daayey markii saacado lagu xiray Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Xariga Shaafi ayaa ka danbeeyay markii laga shakiyey Baasaboorka Diblomaasiyadeed ee uu ku safrayey iyo qaabka uu ku qaatay, iyadoo xarigiisa ay ka danbeysay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Garoonka Muqdisho oo muddooyinkii danbe dadaal ugu jirtay inay xakameyso dadka wata baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ayaa kasoo laabtay magaalada Brussels isagoo ka mid ahaa wafdigii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna dib u dhigtay soo laabashadiisa, waxaan dhacday in Waaxda Socdaalka ay ka shakisay qaabka lagu siiyey Baasaboorka Diblomaasiga.
Xariga Mas’uulkan kadib waxaa ayaa waxaa arrinta soo farageliyay madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad oo ay isu dhow yihin, waxaana lagu guuleystay in la sii daayo oo sidaas lagu dhammeeyo arrintan.
Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliya keenay caddeymihii lagu siiyey Baasaboorka Diblomaasiga, taasoo keentay in la sii daayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.