Wednesday, June 25, 2025

Guddoonka Aqalka Sare oo dalbaday in Amniga Xaruntooda lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM [Akhri sababta]

Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa dalbaday Ciidamada AMISOM ay la wareegeen amniga Xarunta Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi aya shaaciyey inay AMISOM u qorteen Qoraal ay kaga dalbanayeen in ciidamadood la keeno Xarunta Aqalka Sare si ay amniga u sugaan.

Cabdi Xaashi ayaa intaas ku daray inay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada AMISOM lagu keeni doono Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda.

“Arrintani muddo dheer ayey socotay Aqalkani, go’aan ayuu ka gaaray in la keenaa Ciidamada Amisom, qoraal baan u qornay Amisom waan sugeynaa arrintaasi..” Ayuu yiri Cabdi Xaashi oo aan sheegin sababta keentay inay ku kalsoonaan waayeen ciidamada Amniga dalka.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo  xukuumadda ay ciidamo ka amarqaata geystay xarunta Baarlamaanka,  kadib mooshinkii laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), taasoo kalsooni darro dhex dhigtay hay’adaha dowladda.

AMISON ayaa qaabilsan oo ilaalo ka ah xarumaha Madaxtooyadda, Golaha Shacabka, Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyo xarumo kale.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON