Wednesday, June 25, 2025

Guddoonka Barlamanka Federaalka oo lagu eedeeyay musuq iyo xildhibaanno Gadoodsan

Waxaa sii kordhaya eedeynt loo jeedinayo guddoonka Baarlamaanka Federaalka oo lagu heysto qaabka ay u maamuleen doorashada hogaanka guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaano dhowr ah ayaa sheegay in doorashada guddiyada Baarlamaanka oo ka socotay  xarunta Villa Hargeysa ay ku dhacday si musuqmasuq ah oo xildhibaano ay wateen guddoonka qarsoodi lagu doortay.

Xildhibaanada ka tirsan guddiyada ayaa ku doodaya in laga qariyay shirarka Guddiyada ee lagu dooranayay guddoomiyeyaasha iyo xogheynta, waxayna qaar kale ku eedeyeen labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka C/weli Muudey iyo Mahad Cawad inay mas’uul ka yihiin arrintan inteeda badan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxa ka socda guddiyada Baarlamaanka ku tilmaamay fadeexad uguna baaqay Madaxtooyada inay soo farageliso, halka xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar uu sheegay in musuqmaasuq ay ku dhacdau doorashada guddi uu ka mid ahaa.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo lagu dhawaaqay guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka intooda badan waxaana socda gadood ay wadaan xildhibaanada qaarkood oo laga cabsi qabo inuu xiisad ka dhex abuuro Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON