Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la wareegay dabagalka xaaladda xildhibaannada lagu soo oogay dacwadda ee Xeer ilaalinta ay dalbatay in xasaanadda laga qaado.
Kulamo is daba joog ah oo ka socday xarunta guddoonka Golaha shacabka ee Villa Hargeysa oo ay hareeyeen xildhibaanno ka dhiidhiyey go’aankii xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa waxaa caawa ka shiray Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka.
Shirka ayaa looga dooday go’aankii xeer ilaaliyaha guud iyo dareenka ka dhashay, waxaana guddiga joogtada ah uu go’aamiyey inay u yeeraan Xeer ilaaliyaha Qaranka si faahfaahin buuxda uu guddoonka uga siiyo arrinta labada xildhibaan uu soo eedeeyay, iyadoo markaas kadibna uu guddoonka Baarlamaanka u xil saaran yahay arrintan.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka uu la wareegay arrinta xasaanada xildhibaannada lasoo eedeeyay iyo la macaamilka xeer ilaaliyaha Qaranka oo la filayo inuu hortago Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.