Friday, June 27, 2025

Guddoonka Baarlamaanka oo Sharci darro ka dhigay Guddi ku howlan Dastuurka Soomaaliya [Akhriso]

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu sharci darro yahay mid ka mida Guddiyada faraha badan ee ku howlan dib u eegista dastuurka dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in uusan sharciyad heysan Guddiga wada-xaajoodka oo ku hawlan dib u eegista Dastuurka dalka, isgoo caddeeyay in guddigani aysan awood u laheyn inay soo diyaariyaan go’aan masiiri ah, maadaama aysan ku jirin Dumar, islamarkaana dhameystir badan uu u baahan yahay.

“Wax guddi aanan annaga dirsan oo aan xil saaran, waa sharci ma dhihi karno, guddiga wadaxaajoodka sharciyad ma lahan oo ay awood ugu yeeshaan inay soo diyaariyaan go’aan masiiri ah, xaqiiqda haddii la sheego ma afkaa na gubanaya, Soomaali uma dhama guddigan”. Ayuu yiri  Mahad Cawad.

Kulan ay shalay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka la yeesheen xubno uu hogaaminaayay wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa si weyn loogu dhaliiyey Wasaaradda Dastuurka qaabka ay u wado arrimaha dastuurka, taasoo la sheegay inaan la aqbali karin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON