Monday, July 14, 2025

Guddoonka Labada Aqal oo magacaabay Guddi soo diyaariya Xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashada. (Akhriso Magacyada)

Guddoomiyeyasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magaacabay guddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal, kaasoo soo diyaarinaya xeerarka dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka.

Guddigan oo ka kooban 17 xubnood (10 xildhibaan & Senator) ayaa laga rabaa inay soo diyaariyaan afar xeer oo ka jawaabaya su’aalihii ka dhashay Sharciga Doorashooyinka ee ay ansixiyeen labada Gole, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, su’aalahaas oo Beesha Caalamka ay dalbatay in laga heshiiyo oo degdeg loo caddeeyo.

Guddigan ayaa heysta muddo bil ah oo ay kusoo diyaariyeen xeerarkan saameynta ku leh doorashada 2020/2021, iyadoo kadibna la hor geyn doono kulan wadajir ah oo ay yeelan doonaan labada aqal ee Baarlamaanka.

Afarta xeer ee Guddigan laga rabo ayaa kala ah:

1- Xeerka Degaameynta Kuraasta

2- Xeerka xaqiijinta qoondada Haweenka

3- Xeerka Doorashada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland)

4- Xeerka xuquuqda Metelaadda Gobolka Banaadir

HOOS KA AKHRISO

No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON