Sunday, July 13, 2025

Gudoomiye degaan ka tirsan Gobolka Bari oo toogasho lagu dilay iyo cidda ka dambeysa

Wararka laga helayo Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dil khaarijin ah ku fuliyeen guddoomiye degaan ka tirsan Gobolka.

Koox hubeysan ayaa dil u geysatay Guddoomiyihii degaanka Bali-dhidin ee Gobolka Bari, marxuum Maxamed Axmed Muumin, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geystay, kadib markii ay geeridiisa hubsadeen.

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay dhowaan degaankaasi isaga baxeen ciidamadii Puntland, waxaana wararku sheegayaan inay dilka guddoomiyaha ka danbeysay kooxda Daacish oo degaankaasi ka howlgasha.

Dilka Guddoomiyaha degaanka Bali-dhidin Maxamed Axmed Muumin ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday xalay Fiidkii, waxaana rasaas ku furay dabley ka kooban saddex qof, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Kooxaha Daacish iyo Alshabaab ayaa ka howlgala Gobolka Bari, waxayna falal amni darro ah ka geystaan Gobolkaasi iyo caasimadiisa magaalada Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON